HomeWararPuntland oo xukuno ku riday Doomo waday kalluumeysi sharci darro ah

Puntland oo xukuno ku riday Doomo waday kalluumeysi sharci darro ah

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Gardafuu ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa xukuno k riday doonyo ay soo qabteen Ciidamada Badda Maamulka, kuwaasi oo waday kalluumeysi sharci darro ah. Maxkamadda ayaa doomaha oo gaarayay saddex doon oo nooca kalluumeysiga oo laga leeyahay dalka Yemen ku riday xukun  ganaax ah, isla markaana waxaa Maamulka uu la wareegay […]

- Advertisement -

Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Gardafuu ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa xukuno k riday doonyo ay soo qabteen Ciidamada Badda Maamulka, kuwaasi oo waday kalluumeysi sharci darro ah.

Maxkamadda ayaa doomaha oo gaarayay saddex doon oo nooca kalluumeysiga oo laga leeyahay dalka Yemen ku riday xukun  ganaax ah, isla markaana waxaa Maamulka uu la wareegay kalluunkii saarnaa.

- Advertisement -

Laba kamid ah doomaha ee xeebaha Puntland ka waday kalluumeysiga sharci darrada ahaa ayaa waxaa lagu xukumay $9 kun oo Dollar, halka tan labaad lagu ganaaxay $8 kun oo Dollar, waxaana Magacyada doomaha lagu kala sheegay Al-Dayaa iyo Al-Lascaa.

Sidoo kale Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Gardafuu ayaa amartay in la fasaxo doonta saddexaad, kadib markii wax dembi ah lagu waayay, taas oo magaceeda lagu sheegay Al-Hilaal.

Ciidamada badda Puntland ee PMF ayaa muddooyinkii dambe howlgalo kala duwan ka waday xeebaha Maamulka, isla markaana kusoo qabtay doomo waday kalluumeysi sharci darro ah iyo shaqaalaha la socday, kuwaasi oo u dhashay dalka Yemen.

Latest stories