HomeCaalamkaMareykanka oo shuruud ku xiray in Taliban ay la wareegto Afghanistan

Mareykanka oo shuruud ku xiray in Taliban ay la wareegto Afghanistan

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa u sheegay maamulka madaxweyne Biden in kooxda Taliban ay la wareegi karto inta badan Afghanistan labo ilaa saddex sano gudahood waa haddii ciidamada Mareykanka ay ka baxaan dalkaasi ka hor heshiis awood qeybsi oo dhexmara dhinacyada dagaalamaya. Haddii ay tani dhacdo, waxa ay u oggolaan doontaa al-Qaacidda in ay markale saldhigato […]

- Advertisement -

Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa u sheegay maamulka madaxweyne Biden in kooxda Taliban ay la wareegi karto inta badan Afghanistan labo ilaa saddex sano gudahood waa haddii ciidamada Mareykanka ay ka baxaan dalkaasi ka hor heshiis awood qeybsi oo dhexmara dhinacyada dagaalamaya.

Haddii ay tani dhacdo, waxa ay u oggolaan doontaa al-Qaacidda in ay markale saldhigato Afghanistan, wargeyska New York Times oo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo aan magacyadooda la sheegin ayaa sidaas wariyay.

- Advertisement -

Madaxweyne Joe Biden ayaa go’aan ka gaaraya in 1-da bisha May uu qeybtii ugu danbeysay ee ciidamada Mareykanka oo gaaraya 3,500 ka soo saaro Afghanistan, taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii Febraayo 2020 uu maamulkii Donald Trump la galay kooxda Taliban.

Wargeyska New York Times ayaa ku warramaya in qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka ee doorbidaya in ciidamada Mareykanku ay sii joogaan Afghanistan ay adeegsanayaan warbixinta sirdoonka si ay ugu doodaan in ciidamadu ay dalkaasi sii joogaan ka dib waqtiga loo qabtay bixistooda ee 1-da May.

Latest stories