HomeWararBeesha Caalamka oo shaacisay in aysan taageeri doonin Doorasho hal dhinac ah

Beesha Caalamka oo shaacisay in aysan taageeri doonin Doorasho hal dhinac ah

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Beesha Caalamka ayaa goor dhow War cusub kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada ka dhaceysa Soomaaliya oo weli heshiis rasmi ah laga gaarin. Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in la joogo xiligii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay yeelan lahaayeen Shir wadatashi ah […]

- Advertisement -

Beesha Caalamka ayaa goor dhow War cusub kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada ka dhaceysa Soomaaliya oo weli heshiis rasmi ah laga gaarin.

Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in la joogo xiligii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay yeelan lahaayeen Shir wadatashi ah oo heshiis looga gaarayo khilaafka doorashada, maadaama dhammaantood ay ku sugan yihiin Magaalada muqdisho.

- Advertisement -

Beesha Caalamka ayaa si Cad u sheegtay in aysan taageeri doonin hanaan doorasho oo hal dhinac ah ama isbarbar socda ama tillaabo kasta oo horseedeysa kordhinta muddo xileedka Madaxda xilka haysa.

“Iyadoo ay Muqdisho ku sugan yihiin dhammaan hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Soomaaliya, waxaa hadda la joogaa xilligii wadatashiyo aan rasmi ahayn ay yeelan lahaayeen si ay ugu heshiiyaan sidii horay loogu sii wadi lahaa shir madaxeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ee xubnaha ka ah federaalka loona aado doorashooyinka. Saaxiibbada caalamku waxa ay mar kale ku celinayaan ” in aysan taageeri doonin hannaan doorasho oo hal dhinac ah ama isbarbar socda  ama tillaabo kasta oo horseedeysa kordhinta muddo xileedkii hore.” Ayaa lagu yiri Qoraalka Beesha Caalamka.

Qoraalka Beesha Caalamka ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada Madaxda dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah maamul Goboleedyada taageersan uu shir maalintii saddexaad uga socda Teendhada Afisyooni, ayna ka maqan yihiin Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland Axmed Madoobe iyo Deni.

Latest stories