HomeWararMas’uul lagu dilay duleedka Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa

Mas’uul lagu dilay duleedka Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa Maanta gudaha deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ku dilay Mas’uul ka tirsan Maamulka deegaankaas iyo Askari la socday. Goobjoogayaal ayaa ku warramay in rag dhalinyaro ah kuna hubeysan Bastoolad ay toogasho ku dileen Guddoomiye Waaxeed ka tirsan Maamulka Ceelasha biyaha, Askari la […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa Maanta gudaha deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ku dilay Mas’uul ka tirsan Maamulka deegaankaas iyo Askari la socday.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in rag dhalinyaro ah kuna hubeysan Bastoolad ay toogasho ku dileen Guddoomiye Waaxeed ka tirsan Maamulka Ceelasha biyaha, Askari la socday iyo qof shacab ah, iyagoona u geeriyooday rasaas lagu dhufay.

- Advertisement -

Ragii ka dambeeyay falkaas ayaa durbo goobta baxsaday, isla markaana waxaa sida caadada aheyd goobta tegay Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliyaoo qaaday Meydadka.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda qadka ayey ku sheegteen Mas’uuliyada dilka loo geystay Guddoomiye Waaxeedka ka tirsanaa Maamulka Ceelasha oo magaciisa ay ku sheegeen UK Xuseen Cali, ayna la dileen laba Askari oo ilaalo u ahaa.

Maamulka deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaan weli ka hadlin dilki Maanta halkaas ka dhacay, hayeeshee dilkaas ayaa waxaa uu kamid noqonayaa dilal horey uga dhacay deegaankaas.

Latest stories