HomeCaalamkaDad farabadan oo ku hoobtay dab xoog leh oo qabsaday Xero ay...

Dad farabadan oo ku hoobtay dab xoog leh oo qabsaday Xero ay deganaayen

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan shan iyo toban qof ay dhinteen halka afar boqol oo kalana aan la oogeyn meel ay jaan iyo cirib dhigeen ka dib markii dab qabsaday qaybo ka mid ah xerada ballaaran ee qaxootiga Rohingya ee Bangladesh. Afhayeenka hay’adda ayaa sheegay in dadka maqan ay […]

- Advertisement -

Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan shan iyo toban qof ay dhinteen halka afar boqol oo kalana aan la oogeyn meel ay jaan iyo cirib dhigeen ka dib markii dab qabsaday qaybo ka mid ah xerada ballaaran ee qaxootiga Rohingya ee Bangladesh.

Afhayeenka hay’adda ayaa sheegay in dadka maqan ay surogal tahay inay ku hoos jiraan burburka ka dhashay dabka halkaasi ka kacay kaasi oo uu ku tilmaamay mid aad u culus.

- Advertisement -

Boqolaal qof ayuu dhaawacmay musiibada halka in ka badan 45 kun oo qof oo ku noolaa guryaha ku meel gaar ah ay haatan ku soo dheceen meel cidla ah.

Xeradaan oo ku fadhida dhul baaxaddiisu gaaraya 8 kun oo hectar ayaa waxay hooy u tahay qooxiti aad u badan oo ka mid ah Muslimminta Rohinjiya oo ka soo carayay khalalaasihii Myanmar ee iyaga lagu bartilmaameedanayay.

Musiibo tan la mid ah ayaa bishii Janaayo ka dhacday isla xeradaan taasi oo horseedday in kummanaan qof ay hooy la’aan noqdaan.

Latest stories