HomeWararFarmaajo, Rooble iyo Madaxda saddex Maamul Goboleed oo kulan yeeshay

Farmaajo, Rooble iyo Madaxda saddex Maamul Goboleed oo kulan yeeshay

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo, Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka, Madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xalay kulan ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada. Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kulanka uu ahaa mid talo wanaag ah oo Madaxda ay uga arrinsanayeen Shirka la filayo in Maanta […]

- Advertisement -

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo, Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka, Madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xalay kulan ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kulanka uu ahaa mid talo wanaag ah oo Madaxda ay uga arrinsanayeen Shirka la filayo in Maanta uu ka furmo Afisyooni, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Madaxda DFS iyo kuwa maamulada.

- Advertisement -

Madaxda ka qeyb galay kulanka ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ayaa siweyn isku dhaafsaday arragtiyo kala duwan oo ku aada Shirka Maanta oo Beesha Caalamka ay soo qaban-qaabisay.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayan in kulanka Farmaajo iyo mamulada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu goor dambe ku biiray  Taliyaha Hay’adda Ciidanka nabadsugida ee NISA Fahad Yaasiin.

Kulankaas ka dhacay Xarunta Madaxtooyada dalka ayaa waxaa uu ksuoo aadaya, iyada Maanta la filayo in uu furmo Shirka Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada, xili ay qaadacday Puntland ka qeyb galka shirkaas.

- Advertisement -

Shirka ayaa furmaya, iyada oo khilaaf siyaasadeed oo xoogan uu haatan u dhexeeyo Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland oo Isbaheysi iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Farmaajo, iyagoona isku haaya Arrimaha doorashada.

Latest stories