HomeWararDowladda Soomaaliya oo heshiis la saxiixatay Hay’ad  Caalami ah

Dowladda Soomaaliya oo heshiis la saxiixatay Hay’ad  Caalami ah

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda xilgarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa heshiis la saxiixday Hey’adda Maalgashiga iyo Ganacsiga u qaabilsan Bangiga Adduunka ee IFC, heshiiska ayaa  lagu taageerayaa horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya.

“Maanta waxa aan heshiis la saxiixnay Hey’adda Maalgashiga iyo Ganacsiga u qaabilsan Bangiga Adduunka ee IFC heshiis kaasi oo lagu taageerayo horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya iyo gacan ka geysashada sidii fursado waara loogu abuuri lahaa bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda xilgarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle

- Advertisement -

Wasiir Beyle ayaa intaa ku daray in heshiisku uu ahaa mid muhiimad gaar ah u leh umadda Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa uu sheegay in ganacsiga gaarka loo leeyahay uu muhiim u yahay isbeddelka dhaqaalaha dalka.

Waxaana uu yiri  mar uu arrimahaasi ka hadlayay; “Horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay waxaa uu muhiim u yahay isbeddelka dhaqaalaha dalkeena, sidoo kale Waxaa naga go’an in aan sii wadno dadaalada dib u habaynta hanaanka Maaliyadda iyo dhaqaalaha si aan iskaashi maalgashi iyo mid taageero dhaqaale u la yeelano Hey’addaha kala duwan ee Maaliyadeed ee caalamka”.

Latest stories