HomeWararSiciid Deni oo labo arrimood oo waa weyn ka sheegay shirkii shalay

Siciid Deni oo labo arrimood oo waa weyn ka sheegay shirkii shalay

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweynaha  maamul goboleedka Puntalnd oo ka hadlayay shirkii shalay ee aasaaska Golaha lagu magacaabay “Madashada Badbaado Qaran” ka hadlay dhowr qodob oo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya. 1- dib u noqosho:- Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni ayaa sheegay in uu dadaal ku bixin doono wax walba oo looga baaqsan  karo “dib u noqosho. “Waxaan […]

- Advertisement -

Madaxweynaha  maamul goboleedka Puntalnd oo ka hadlayay shirkii shalay ee aasaaska Golaha lagu magacaabay “Madashada Badbaado Qaran” ka hadlay dhowr qodob oo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya.

1- dib u noqosho:- Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni ayaa sheegay in uu dadaal ku bixin doono wax walba oo looga baaqsan  karo “dib u noqosho.

- Advertisement -

“Waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed ay ogaadaan in dalkoodu uu maanta hiil uga baahan yahay, in la ilaaliyo howshii lasoo qabtay wixii ka dambeeyay sanadkii 2000 ee dowlad dhiska Soomaaliya loo soo amaamudayay oo maanta meel laga sii amba qaadi karo joogta. Madashan waa mid u furan cid kasta oo ay u muuqato waxa annaga noo muuqday ee ah oo rabta inay ku darsato sidii dalka looga badbaadin lahaa in uu dib u noqdo,” ayuu yidhi Deni.

2- ‘Qori isu dhiib’:- Madaxweyne Deni ayaa intii uu ka hadlayay munaasabaddii maanta waxa uu eedeyn u jeediyay dowladda Soomaaliya.

Waxaana uu yiri: “Dowladda maanta joogta waxay ku fashilantay geeddigii la waday ee qori isku dhiibka ahaa, in markii xilligeeda lasoo gaaray ay u dhiibto qofkii ku xigay. Waxay u baddashay in aysan jirin cid ka horreysay iyo cid ka dambeysay midna,”.

Latest stories