HomeCaalamkaWaa tuma Haweenayda la filayo in ay madaxweyne ka noqoto Tanzania?

Waa tuma Haweenayda la filayo in ay madaxweyne ka noqoto Tanzania?

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Mama Saamiya Suluhu Xasan oo madaxweyne ku xigeenka Tanzania ahayd, tan iyo 2015-kii, ayaa la filayaa in ay xilka madaxweynaha la wareegto ka dib markii uu dhintay madaxweynihii dalkaas, John Magufuli.

Saamiya waxay xilka sii hayn doontaa inta ka dhiman muddada madaxweynaha oo ah illaa 2025, sida uu qabo dastuurka Tanzania.

- Advertisement -

Waxaa la filayaa in ay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee qabata xilka ugu sarreeya ee Tanzania. Sidoo kale waxay noqoneysaa madaxweynihii labaad ee Tanzania ee ka soo jeeda Zanzibar.

Madaxweynihii ka soo jeeday Zanzibar ee xilka kaga horreeyay wuxuu ahaa Cali Xasan Mwinyi, kaas oo dalkaa hoggaaminayay muddo 10 sano ah – 1985 illaa 1995.

Sannadkii 2015-kii, xilligii ololihii doorashada, kooxdii ay Saamiya Suluhu Xasan ay hor keceysay ee xisbiga CCM, waxaa lagu soo bandhigay heeso ay qaadeen fannaaniin caan ah. Waxay u tartameysay xilka madaxweyne ku xigeenka.

- Advertisement -

Markii hore dad badan ayaa kaga baqayay dumar ahaan iyo sida haweenka loo xushmeeyo – balse si ay ugu muuqato qof dadka u dhow, waxay ka dalbatay in ay hal magac ugu yeeraan – waxay ahayd Hooyo ama Mama.

Markaa wixii ka dambeeyay, ololeheedii doorasho wuxuu noqday mid dad badan soo jiitay – si ka duwan musharrixiintii kale ee ka soo horjeeday.

Dad badan oo reer Tanzania ah, magaca Saamiya Suluhu Xasan (oo 60 sano jir ah), wuxuu u noqday mid ay aad u garanayaan ka dib markii loo magacaabay in ay u tartanto xilka madaxweyne ku xigeenka, sannadkii 2014-kii.

Latest stories