HomeCaalamkaSuudan oo Codsatay dhex-dhexaadin Afar geesood ah si loo xalliyo Khilaafka

Suudan oo Codsatay dhex-dhexaadin Afar geesood ah si loo xalliyo Khilaafka

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Suudaan waxay ka digtay abaabulka hal dhinac ah ee Itoobiya wado kaasi oo ay ku samaysanayso biyo xireenka Renaissance Dam ee wabiga Niil, waxayna Suudaan ugu baaqday Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo iyo Mareykanka inay dhex-dhexaadiyaan khilaafaadka taagan ee ka dhashay isticmaalka biyaha wabiga ee biyo xireenka Ethiopia. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan Maryam Al-Sadiiq […]

- Advertisement -

Suudaan waxay ka digtay abaabulka hal dhinac ah ee Itoobiya wado kaasi oo ay ku samaysanayso biyo xireenka Renaissance Dam ee wabiga Niil, waxayna Suudaan ugu baaqday Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo iyo Mareykanka inay dhex-dhexaadiyaan khilaafaadka taagan ee ka dhashay isticmaalka biyaha wabiga ee biyo xireenka Ethiopia.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan Maryam Al-Sadiiq Al-Mahdi ayaa ugu baaqday Midowga Afrika in ay qaadaan tallaabooyin la taaban karo oo lagu xallinayo khilaafka ka taagan Biyo-xireenka Renaissance ee ay wado Dawladda Ethiopia, ka hor inta uusan khilaafku gaarin meel adag.

- Advertisement -

Maryam Al-Mahdi ayaa waxay sidoo kale magaalada Kharthoum kula kulantay safiirka midowga afrika u fadhiya Suudaan Mohamed Belaysh,  iyadoo u sheegtay Ethiopia ay ku fashilantay in ay u hogaansanaato sidii loo gaari lahaa heshiis ku saabsan sidii dalalka ku teedsan wabiga ay ka heshiiyaan qaabka loo isticmaalayo biyaha wabiga.

Suudaan waxay sheegtay in dhismaha biyo xireenka wabiga Niil ee Ethiopia ay tahay arrin khatar gelineysaa malaayiin shacabka reer Suudaan ah, iyadoo ka digtay in tallaabada ay noqon karto mid lagala kulmi doono cawaaqib xumo aan wax laga qaban karin mustaqbalka.

Latest stories