HomeWararDhageysiga Dacwadda Badda ee Somalia iyo Kenya oo Maanta bilaabaneysa

Dhageysiga Dacwadda Badda ee Somalia iyo Kenya oo Maanta bilaabaneysa

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Hague ee dalka Holand uu ka bilaabmo dhageysiga dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya oo muddo sanado ah soo jii-tameysay.

Qareenada matalaya dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gudbin doono doodahooda ku aadan muranka badda. Dowladda Kenya ayaa shalay iyadu shaacisay in aysan ka qeyb gali doonin dhageysiga dacwada ee maanta ka bilaabanaysa Maxkamada ICJ.

Sida ay warbaahinta Kenya ku warantay dowladda Kenya ayaa sabab uga dhigtay arrintan inay ka cabanayso in maxkamadda aysan si xaq ah ula dhaqmin Kenya iyo in maxkamadda aysan doonayn in ay tixgaliso codsiga Kenya ee ah in dib loo dhigo dhageysiga kiiska iyada oo sabab looga dhigayo feyriska Corona.

Isniinta oo maanta ah 3 galabnimo ilaa 6 maqribnimo ayay qareenada Soomaaliya gudbin doonaan doodooda. Sidoo kale waxay qareenada Soomaaliya ayaa Talaadada 16 bishan March 3 galabnimo ilaa 4.30 mar kale maxkamadda u soo bandhigi doona doodooda.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ku sugan Hague ayaa waxaa uu sheegay in qareenada u dooda dowladda Soomaaliya ay yihiin kuwo aad u diyaarsan, isla markaan kiiska loo dhageysan doono maqal iyo Muuqaal ah oo xubno ka tirsan Guddiga dowladda ee halkaas ku sugan gudaha Maxkamadda ay geli doonaan.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories