HomeCaalamkaDowlad mamnuuceysa xirashada jilbaabka iyo Muslimiin ka carooday

Dowlad mamnuuceysa xirashada jilbaabka iyo Muslimiin ka carooday

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Dalka Sri Lanka ayaa mamnuucaya xirashada jilbaabka sidoo kalena waxaa la xiri doonaa 1,000 madaraso oo lagu barto diinta Islaamka, talaabadan ayaa si weyn u sameyn doonta muslimiinta tirada yar ee dalkaas ku nool. Wasiirka nabad geliyad guud Sarath Weerasekera ayaa shir jaraa’id ka sheegay sabtida maanta ah ka dib markii jimcihii golaha wasiirada ansixiyeen […]

- Advertisement -

Dalka Sri Lanka ayaa mamnuucaya xirashada jilbaabka sidoo kalena waxaa la xiri doonaa 1,000 madaraso oo lagu barto diinta Islaamka, talaabadan ayaa si weyn u sameyn doonta muslimiinta tirada yar ee dalkaas ku nool.

Wasiirka nabad geliyad guud Sarath Weerasekera ayaa shir jaraa’id ka sheegay sabtida maanta ah ka dib markii jimcihii golaha wasiirada ansixiyeen go’aankan, waxaana lagu sababeeyay sugidda amniga qaranka.

- Advertisement -

Sidan oo kale dowladda ayaa 2019 joojisay xirashada jilbaabka ka dib markii qaraxyo lagu beegsaday Kiniisado iyo Hoteelo ku yaala dalka Sri Landka, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 250 ruux.

Muslimiinta Sri Landka ayaa go’aanka dowladda u arka mid xadgudub ku ah xuquuqdooda diineed iyo tan muwaadin.

Weerasekera ayaa sheegay in dowladda sidoo kale mamnuuceyso 1,000 madaraso, kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay jabiyeen siyaasadda waxbarashada dalka, sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Mamnuucista jilbaabka ay xirtaan gabdhaha muslimiinta ayaa daba socda go’aan dowladdu soo saartay sanadkii hore oo ahaa in qof kasta oo coronavirus u dhinta la gubo, go’aankaas oo ka soo hor jeeda sharciga islaamka.

Latest stories