HomeCaalamkaWasiir Caafimaad oo isku Casilay Bukaano u geeriyooday Ogsijiin la'aan dartiis

Wasiir Caafimaad oo isku Casilay Bukaano u geeriyooday Ogsijiin la’aan dartiis

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Wasiirka Caafimaadka ee dalka Urdun, Nadiir Cabiidaat ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay Xilkaasi, kadib, markii ay 8 Bukaan oo la xanuunsanaa COVID 19 ugu geeriyoodeen Isbitaalka Guud ee Alsulda oo ay Dowladda maamusho. Bukaanadaasi waxaa la sheegay inay u geeriyoodeen Ogsijiin la’aan ka dhacday Isbitaalkaasi. Wasiirka waxa uu Warqadiisa Is-casilaadda u gudbiyey RW dalkaasi, […]

- Advertisement -

Wasiirka Caafimaadka ee dalka Urdun, Nadiir Cabiidaat ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay Xilkaasi, kadib, markii ay 8 Bukaan oo la xanuunsanaa COVID 19 ugu geeriyoodeen Isbitaalka Guud ee Alsulda oo ay Dowladda maamusho.

Bukaanadaasi waxaa la sheegay inay u geeriyoodeen Ogsijiin la’aan ka dhacday Isbitaalkaasi.

- Advertisement -

Wasiirka waxa uu Warqadiisa Is-casilaadda u gudbiyey RW dalkaasi, Bashar Al-khasawanaat, oo isagana ku amray Xeer-ilaalinta Guud ee dalkaasi inay furaan Baaritaan la xiriira cidda qaadayso mas’uuliyada Bukaanadda u geeriyooday Ogsijiin La’aanta.

Dhinaca kale, Boqorka Urdun, King Abdalla Bin Hussien Al-dalaala (Abdalla Thaani) waxa uu si degdeg ah u tegay Isbitaalkaasi, isagoo amray inuu is-casilo Agaasimaha Guud ee Isbitaalkaasi, Dr. C/risaaq Al-Khasmaant.

Sidoo kale, Boqorku waxa uu amray inuu is-casil;o Wasiirka Caafimaadka oo lagu eedeeyey Dayacaadda Bukaanada la il-daran COVID 19. Boqolaal qof ayaa isugu soo banbaxay nawaaxiga Isbitaalka, iyagoo carro ka muujinaya Geerida ku timid Bukaanada u geeriyootay Ogsijiin La’aanta.

Latest stories