HomeWararQarax Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa

Qarax Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Qarax miino nuuca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu dhowr daqiiqo kahor oo Caawa uu ka dhacay wadada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay xaafaddo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir. Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa ku sheegay in qaraxaas lala eegtay gaari uu watay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda […]

- Advertisement -

Qarax miino nuuca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu dhowr daqiiqo kahor oo Caawa uu ka dhacay wadada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay xaafaddo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa ku sheegay in qaraxaas lala eegtay gaari uu watay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka, xili uu mararay wadada Afisyooni ee  degmada Xamar-Jajab.

- Advertisement -

Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in Sarkaalka lala eegtay qaraxaas lagu magacaabo Cumar Cabdiraxmaan uu dhaawac soo gaaray iyo Askar la socotay, kuwaasi oo xarun Caafimaad loola cararay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo tegay goobta ayaa xiray aaga oo dhan, isla markaana dadka iyo gaadiidka u diidaya inay maraan wadada, sidoo kalena wada baaritaano kala duwan.

Ilaa iyo hadda laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan ka hadli qaraxaas Caawa ka dhacay wadada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ee lala eegtay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda.

Latest stories