HomeCaalamkaKhasaaro ka dhashay Diyaarad weyn oo ku burburtay Kazakhstan

Khasaaro ka dhashay Diyaarad weyn oo ku burburtay Kazakhstan

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Afar qof ayaa dhimatay ka dib markii diyaarad militiri oo ka soo duushay caasimadda dalka Kazakhstan ee Nur-Sultan ay ku burburtay maanta garoonka diyaaradaha magaalada Almaty, sida ay sheegtay wasaaradda gurmadka deg dega ah dalka ku yaala bartamaha qaaradda Asia.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa An-26 ayaa waxaa saarnaa lix qof, wakaaladda wararka Russia ee Interfax ayaa soo warisay in diyaaradda ay lahaayeen ciidanka ilaalada xuduudaha dalka Kaxakhstan.

- Advertisement -

“Sida xog horudhaca ah ee aan helnay sheegayso afar qof ayaa dhimatay halka labo kale la dhigay isbitaal ,” ayaa yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda gurmadka.

Wakaaladda wararka Reuters oo warka qortay ayaa waxaa ay sheegtay in sawiro goobta burburka laga soo qaaday lagu arkayay diyaaradda oo qaliban isla markaana dab ka baxaya.

Latest stories