HomeWararFarmaajo oo War kasoo saaray geerida Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Somalia

Farmaajo oo War kasoo saaray geerida Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Somalia

Date:

Related stories

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileekiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay geerida Wasiirkii Hore ee  Gaashaandhigga Soomaaliya Janaraal Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr oo ku geeriyooday magaalada Nairobi. Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum C/raxmaan Maxamuud, isagoo ku […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileekiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay geerida Wasiirkii Hore ee  Gaashaandhigga Soomaaliya Janaraal Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr oo ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum C/raxmaan Maxamuud, isagoo ku tilmaamay inuu muddo dheer u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, isaga oo soo noqday Wasiir, Xildhibaan iyo Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer, isagoo billad ku qaatay difaaca Qaranka sannadkii 1964-tii. Sidoo kale waxa uu door muuqda ku lahaa dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimadeenna oo xilal muhiim ah uu ka soo qabtay Dowladdii Ku-meel-gaarka ahayd.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Latest stories