HomeCaalamkaDowladda Masar oo Suudan u dirtay dalab la xiriira xalinta khilaaf taagan

Dowladda Masar oo Suudan u dirtay dalab la xiriira xalinta khilaaf taagan

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudan, Cabdalla Xamduuk ayaa ugu baaqay Dowladda Masar inay Wada-hadal ka furaan Khilaafka Lahaanshaha Saddex-geesoodka Xalaayib iyo Shalatiin oo u dhexeeya xuduudka labada Waddan. RW waxa uu hadalkaasi ka sheegay Khudbad uu xalay ka jeediyey Machadka Daraasaadka Bariga Dhexe oo ku yaalla magaalladda Qaahira, waxaana Kulankaasi ka qeyb galay Aqoonyahano iyo Khubaro […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudan, Cabdalla Xamduuk ayaa ugu baaqay Dowladda Masar inay Wada-hadal ka furaan Khilaafka Lahaanshaha Saddex-geesoodka Xalaayib iyo Shalatiin oo u dhexeeya xuduudka labada Waddan.

RW waxa uu hadalkaasi ka sheegay Khudbad uu xalay ka jeediyey Machadka Daraasaadka Bariga Dhexe oo ku yaalla magaalladda Qaahira, waxaana Kulankaasi ka qeyb galay Aqoonyahano iyo Khubaro ku takhasustay Cilmi-baarista.

- Advertisement -

Saddex-geesoodka Xalaayib iyo Shalatiin ayaa waxa uu ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhan tahay 20 KM iyo bar (20,5 KM), waxaana uu ka kooban yahay Degmooyinka Xalaayib, Shalatiin iyo Abu Ramaad.

RW Cabdalla Xamduuk waxa uu Khudbadiisa ku xusay inay lama huraan tahay in wada-hadal laga furo arrintaasi, si ay labada Dowladood u gaaraan Is-faham.

Bishii hore, Dowladda Sudan waxay u gudbisay Golaha Ammaanka ee QM dacwad ka dhan ah Dowladda Masar oo ku aadan Lahaanshaha Saddex Geesoodka Xalaayib, Shalatiin.

- Advertisement -

Khilaafkaasi waxa uu soo taagnaa tan iyo markii ay Sudan madax-banaanida ka heleen Gumeysigii Ingiriiska sanadkii 1956-dii.

Latest stories