HomeCaalamkaNetanyahu oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Imaaraadka kadib xaalad deg...

Netanyahu oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Imaaraadka kadib xaalad deg deg ah

Date:

Related stories

Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka,

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

madaxweynaha Koonfur Sudan Oo Beddelay Guddoomiyihii Baanka Dhexe

Madaxweynaha Koonfur Sudan Salva Kiir oo xilka ka qaaday guddoomiyihii baanka dhexe Johnny Ohisa, isagoo bedel u magacaabay Addis Ababa Othow.

Trump oo dadka weydiiyay wax aan dhicin

Trump oo mar kale sheegay in dabayl la'aan ay sababtay in dadka aysan daawan karin dood siyaasadeed 2024. Khubaradu waxay sheegayaan in aanay jirin caddeyn muujinaysa dhacdadaas.

Maqaayad Xalaal Ah Oo Kala Qaybisay Faransiiska

Dagaal ku saabsan makhaayad digaag xalaal ah oo Paris ka taal ayaa noqday astaan u ah kala qaybsanaanta siyaasadeed ee Faransiiska, iyadoo u dhexeeya duqa Sooshaalistaha iyo xisbiga far-left ee France Unbowed.

Ra’iisul Wasaraaha Israel Benjamin Netanyahu ayaa baajiyey safar la qorsheeyey inuu maanta ku tago dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida uu sheegay raadiyaha dadweynaha Israel ee Kan. Go’aankan ayaa yimid kadib markii xaaska Netanyahu oo lagu magacaabo Sara Netanyahu la dhigay isbitalka Hadassah Medical Center ee magaalada Jerusalem, ayada oo caabuq uu kaga dhacay qabsinka. Safarka […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaraaha Israel Benjamin Netanyahu ayaa baajiyey safar la qorsheeyey inuu maanta ku tago dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida uu sheegay raadiyaha dadweynaha Israel ee Kan.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii xaaska Netanyahu oo lagu magacaabo Sara Netanyahu la dhigay isbitalka Hadassah Medical Center ee magaalada Jerusalem, ayada oo caabuq uu kaga dhacay qabsinka.

- Advertisement -

Safarka Netanyahu ayaa noqon lahaa mid taariikhi ah, oo sii xoojinaya xiriirka diblomaasiyadeed ee cusub ee ay sanaddii tegtay aas-aasteen Israel iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna sare u qaadi lahaa rajada Netanyahu ee doorashooyinka dhowaan ka dhacaya Israel.

Sarkaal u hadlay xafiiska ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa sheegay in Sara Netanyahu loola cararay isbitalka Hadassah Medical Center kadib markii ay xanuun dareeentay, islamarkaana ay ku jiri doonto maalmo.

Netanyahu ayaa wajahaya loolan adag ayada oo Israel ay ka dhacayaan doorashooyinkii afaraad muddo laba sano gudahood ah, waxaana la rumeysan yahay inuu safarka Imaaraadka Carabta oo ku beegnaa 12 maalmood kahor doorashooyinka, u adeegsan lahaa faa’iido siyaasadeed.

- Advertisement -

Imaaraadka Carabta ayaa bishii August 2020 noqday dalkii saddexaad ee Carbeed ee xiriir la yeesha Israel kadib Masar iyo Jordan.

Latest stories