HomeWararSii-hayaha xilka R/Wasaaraha dalka oo ka hadlay geeridii Xildhibaan Maxamed

Sii-hayaha xilka R/Wasaaraha dalka oo ka hadlay geeridii Xildhibaan Maxamed

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay geeridii ku timid Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow oo ka tirsanaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka.

Ra’iisul Wasaare ayaa tacsi u diray Qoyskiisa, Asxaabtiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Maxamed Maxamuud oo saakay ku dhintay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Rooble ayaa Alle uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Jano Alle ugu deeqo, Qaraabadiisana Samir iyo iimaan Alle ka siiyo, waxaana sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaanka, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal.

Allaha u naxariistee Xildhibaanka Maxamuud Boonow ayaa  waxaa uu sidoo kale ahaa Wasiiru dowlihii Wasaaradda amniga Gudaha Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre.

Waxaa uu golaha shacabka ka tirsanaa tan iyo 2012, waxaa uu Wasiir ka soo noqday dowladdii Shariif Sheekh Axmed ee KMG aheyd. Eng. Maxamed Maxamauud Boonow ka sokow siyaasadda waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano degaanada Koofur Galbeed.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories