HomeWararMidowga Musharixiinta oo ka hadlay Geerida Cali Mahdi Maxamed

Midowga Musharixiinta oo ka hadlay Geerida Cali Mahdi Maxamed

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Alle ha u naxariistee waxaa maqribnimadii Caawa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo ah Guddoomiyaha  Midowga murashixiinta xilka Madaxweynaha ee Soomaaliya ayaa ka hadlay geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed. Shiikh Shariif ayaa ka […]

- Advertisement -

Alle ha u naxariistee waxaa maqribnimadii Caawa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo ah Guddoomiyaha  Midowga murashixiinta xilka Madaxweynaha ee Soomaaliya ayaa ka hadlay geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

- Advertisement -

Shiikh Shariif ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuumka, waxaana uu xusay doorkii uu ka qaatay Dowladnimada Soomaaliya, waxaana sheegay in dalka uu usoo shaqeeyey xilli adag isagoo qayb ka qaatay shirar badan oo dib u heshiisiineed oo Soomaalida gudaha iyo banaankaba loogu qabtay.

“Waxaan murugada la qaybsanayaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed anigoo uga tacsiyeynaya geerida Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed oo Nairobi ku geeriyoodey.Wuxuu dalka usoo shaqeeyey xilli adag isagoo qayb ka qaatay shirar badan oo dib u heshiisiineed oo Soomaalida gudaha iyo banaankaba loogu qabtay. Waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa qoyskiisa iyo qaraabada, Allaha u naxariisto Samir iyo Iimaanna Allaha naga siiyo” ayuu yiri Shiikh Shariif Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Dhanka kale Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa dhankiisa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi maxamed.

- Advertisement -

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur: “Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, asxaabta iyo bulsho waynta Soomaaliyeed geerida naxtinta leh ee ku timid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Mahdi Maxamad. Allaha u naxariisto, sabar iyo iimaan Allaha ka siiyo qoyskiisa, asxaabta iyo ummada Soomaaliyeed intaba”.

Latest stories