HomeWararCiidanka Ilaalada gaarka ah ee Axmed Madoobe oo soo gaaray Muqdisho

Ciidanka Ilaalada gaarka ah ee Axmed Madoobe oo soo gaaray Muqdisho

Date:

Related stories

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goordhow kasoo degtay diyaarad sida wafdi hordhac u ah safarka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe. Diyaarada ayaa siday Ciidanka Ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Axmed Madoobe iyo xubno kale oo la socday, waxaana la dejin doonaa sida uu qorshahu yahay qeyb kamid ah […]

- Advertisement -

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goordhow kasoo degtay diyaarad sida wafdi hordhac u ah safarka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Diyaarada ayaa siday Ciidanka Ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Axmed Madoobe iyo xubno kale oo la socday, waxaana la dejin doonaa sida uu qorshahu yahay qeyb kamid ah Garoonka diyaaradaha.

- Advertisement -

Gelinka dambe ee Maanta ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Jubbaland iyo wafadi uu hoggaaminayo ay soo gaaran Magaalada Muqdisho, waxaana ay degi doonaan oo loo diyaariyay Xeyndaabka Garoonka diyaaaradaha Aadan Cadde.

Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in todobaadkan uu ka dhaco Muqdisho, iyadoo shirkaas ay fududeynayaan Safaaradda Mareykanka iyo Xafiiska Qaramada Midoobay.

Sida uu qorshahu yahay Shirka Madaxda ayaa ka dhici doona Teendhada Afisyooni oo sanadkii 2017-kii lagu doortay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo, iyadoona amniga shirka ay sugi doonaan Ciidanka AMISOM.

- Advertisement -

Dhinaca kale Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka ayaa kusoo wajahan Caasimadda dalka, si ay uga qeyb galaan shirka oo saddex jeer baaqday, kadib markii Puntland iyo Jubbaland ay shuruudo ku xireen ka qeyb galkiisa.

Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ku cadaadineysa xalinta khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa, isla markaana wax kasta oo khilaaf lagu dhameeyo, si loo qabto doorasho heshiis lagu yahay.

Latest stories