HomeWararGuddiga DFS u matelaya Dacwada Badda oo u ambabaxay Magaalada Hague

Guddiga DFS u matelaya Dacwada Badda oo u ambabaxay Magaalada Hague

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa goordhow ka ambabaxay Guddiga dowladda Federaalka Soomaaliya u matalaya dhageysiga kiiska Dacwada badda ee taalla Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ, iyagoona kusii jeeda dalka Holland. Guddiga ka socda dowladda ayaa waxaa hoggaaminayo sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, waxaana qeyb ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa goordhow ka ambabaxay Guddiga dowladda Federaalka Soomaaliya u matalaya dhageysiga kiiska Dacwada badda ee taalla Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ, iyagoona kusii jeeda dalka Holland.

Guddiga ka socda dowladda ayaa waxaa hoggaaminayo sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, waxaana qeyb ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo xubno kale, waxaana Garoonka kusii sagootiyay Mas’uuliyiin kala duwan.

- Advertisement -

Mahdi Guuleed oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in kiiska Dacwada Badda ee u dhexeeysa Somaaliya iyo Kenya dhowr jeer dib loo dhigay, ka gadaal markii ay codsatay Kenya, hayeeshee haatan loo diyaar garooway dhageysiga Dacwada.

Waxaa uu sheegay in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ay Go’aan kama dambeysay ah ku gaartay in dhageysiga Dacwada Badda la bilaabayo 15-ka Bishaan Maarso ilaa iyo 19-ka bishaan.

Dowladda Federaalka ayuu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka sheegay inay diyaar u tahaya ka qeyb galka dhageysiga Dacwada badda ee  kala dhexeeysa Kenya, isla markaana Maanta ay u dhoofayaan Magaalada The Hague ee dalka Holland.

- Advertisement -

Dowladda Kenya ayaa Maxkamadda ICJ ka dalbatay in muddo saddex jeer in dib loo dhigo dhageysiga kiiska Dacwada badda ee kala dhxeeeysa Soomaaliya, hayeeshee Maxkamadda ayaa go’aan ku gaartay in 15-ka bishaan la bilaabayo dhageysiga Dacwada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts