HomeWararCiidamada Puntland oo dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ka wada deegaano

Ciidamada Puntland oo dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ka wada deegaano

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wararka saakay aan ka heleyno Gobolka Bari gaar ahaan dhulka Buuraleyda ah ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Daraawiishta, kumaandooska iyo kuwa sida gaarka u tababaran ee PSF Maamulka Puntland ay halkaas ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo Ciidan. Ciidamada Puntland ayaa sigaar dhaq-dhaqaaqyada ciidan uga wadaan deegaanada Buuraleyda Calmadow iyo Calmiskaad ee Bari oo ay ku sugan […]

- Advertisement -

Wararka saakay aan ka heleyno Gobolka Bari gaar ahaan dhulka Buuraleyda ah ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Daraawiishta, kumaandooska iyo kuwa sida gaarka u tababaran ee PSF Maamulka Puntland ay halkaas ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo Ciidan.

Ciidamada Puntland ayaa sigaar dhaq-dhaqaaqyada ciidan uga wadaan deegaanada Buuraleyda Calmadow iyo Calmiskaad ee Bari oo ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Daacish.

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa sheegay inay doonayaan inay howlgalo qorsheysan fuliyaan, kadib markii maalmo kahor Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Dad ku sugan deegaano ku dhow Buuraleyda Calmadow ayaa ku warramay inay sheeda kore ka arkayeen Ciidamo hubeysan oo wada gaadiidka nooca dagaalka, isla markaana kusii jeeda dhulka buuraleyda  ee Gobolka Bari.

Dhinaca kale saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka sida gaarka u tababaran ee PSF Puntland ayaa howlgalo amniga lagu xaqiijiyay ka sameeyay gudaha Magaalada Boosaaso, iyagoona la sheegay inay ku qabteen dad looga shakiyay falal amni darro.

- Advertisement -

Al-shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday xabsiga weyn ee Boosaaso, iyagoona halkaas kala baxay maxaabiis badan oo ku xirnaa, sida ay sheegteen, waxaana Maamulka Puntland dhankiisa uu tilmaamay inay dib u soo celiyeen maxaabiista.

Latest stories