HomeWararSomaliland oo shaacisay Dad hor leh oo u geeriyooday Cudurka COVID-19

Somaliland oo shaacisay Dad hor leh oo u geeriyooday Cudurka COVID-19

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay dad hor leh oo Cudurka halista ah ee COVID-19 ugu geeriyooday deegaano ka tirsan Maamulkaas, kadib markii uu Cudurka kusoo laba kacleeyay dalka. Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cabdullaahi Bade oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu u sheegay in todobaadyadii ugu dambeeyay deegaanada Somaliland ay Cudurka ugu geeriyoodeen 8 qof […]

- Advertisement -

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay dad hor leh oo Cudurka halista ah ee COVID-19 ugu geeriyooday deegaano ka tirsan Maamulkaas, kadib markii uu Cudurka kusoo laba kacleeyay dalka.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cabdullaahi Bade oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu u sheegay in todobaadyadii ugu dambeeyay deegaanada Somaliland ay Cudurka ugu geeriyoodeen 8 qof oo kamid ahaa dad horey ugu dhacay xanuunka.

- Advertisement -

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan dad badan oo uu ku dhacay Cudurka, isla markaana dadkaas la geliyay xaalad karantiil ah, si aysan usii faafin xanuunka, ayna jiraan dad ka bogsaday xiligaan.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiir Cumar Cabdullaahi ayaa tilmaamay in COVID-19 bishii Janaayo ee sanadkaan Somaliland ugu dhimatay 3 qof, halka bishii labaad ay u geeriyoodeen 7 qof, waxaana tirada guud ee dadka ugu dhintay Somaliland ay sanadkaan gaartay 18 ruux.

Warbixintii ugu dambeysay ee soo saartay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ayey ku sheegtay in deegaanada Somaliland laga diiwaan-geliyay 31 qof oo qaba Cudurka COVID-19, ayna laba ruux ugu dhinteen halkaas.

Latest stories