HomeWararCiidanka xoogga oo sheegay in ay isku soo dhiibeen xubno ka tirsan...

Ciidanka xoogga oo sheegay in ay isku soo dhiibeen xubno ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in Laba dagaalame oo katirsan Al-shabaab ay isku soo dhiibeen, waxaana Saraakiishu ay intaa ku dareen in xubnaha isi-soo dhiibay ay ka tirsanayeen qaybta amniyaadka ee Al-shabaab, waa sida ay hadalka u dhigeene. Labada dagaalame ayaa si gaar ah isugu soo  dhiibay ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed gaarahaan ururka 14-aad ee guutada […]

- Advertisement -

Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in Laba dagaalame oo katirsan Al-shabaab ay isku soo dhiibeen, waxaana Saraakiishu ay intaa ku dareen in xubnaha isi-soo dhiibay ay ka tirsanayeen qaybta amniyaadka ee Al-shabaab, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Labada dagaalame ayaa si gaar ah isugu soo  dhiibay ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed gaarahaan ururka 14-aad ee guutada 14-ka oktoobeer ee kusugan magaalada marka ee xarunta gobolka shabeelaha hoose.

- Advertisement -

Saraakiisha Ciidanka Xoogga ayaa magacyada xubnaha isi soo dhiibay ku kala sheegay Isaaq Cumar Ibraahim iyo Qaasim Cabdulaahi Cali.

Taliyaha ururka 14-aad guutada 14-ka oktoobar  Gaashaanle Cabduqaadir Maxamed Muunye ayaa sheegay in labada dagaalame  Al-shabaab kasoo baxsaday uu  uga hortagay degaanka shalaanbood isagoona halkaasi kasoo kaxeeyay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Latest stories