HomeWararCiidanka Kenya oo xiray Garoon diyaaradeed oo ku yaalla Gobolka Gedo

Ciidanka Kenya oo xiray Garoon diyaaradeed oo ku yaalla Gobolka Gedo

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wararka aan ka heleyno degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in Garoonka diyaaradaha ee ku yaalla degmadaas ay xireen Ciidanka dowladda Kenya ee AMISOM ee jooga halkaas. Ciidanka Kenya ayaa dhagxaan farabadan ku xiray dhabbaha Garoonka Ceel-waaq ee cagga dhigtaan diyaaradaha halkaas ku dega, waxaana istaagay shaqooyinka Garoonka, sida […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in Garoonka diyaaradaha ee ku yaalla degmadaas ay xireen Ciidanka dowladda Kenya ee AMISOM ee jooga halkaas.

Ciidanka Kenya ayaa dhagxaan farabadan ku xiray dhabbaha Garoonka Ceel-waaq ee cagga dhigtaan diyaaradaha halkaas ku dega, waxaana istaagay shaqooyinka Garoonka, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

- Advertisement -

Dadka deegaanka Ceel-waaq ayaa Ciidanka Kenya ka dalbaday inay dib u furaan Garoonka ay dhagxaanta ku xireen, si dadka Gobolka Gedo ee abaarta heyso loo soo gaarsiiyo Gargaar deg deg ah.

Qaar kamid ah dadka ayaa dowladda Federaalka ugu baaqay inay Gargaar lasoo gaaran, isla markaana la furo garoonka diyaaradaha degmada ay xireen Ciidanka dowladda Kenya ee qeyta ka ah howlgalka AMISOM, lamana oga sababta ay u xireen.

Maamulka Gobolka iyo kan degmada Ceel-waaq ayaa weli ka hadlin sababta ay Ciidanka Kenya ku xireen Garoonka, xili dadka kunool Gobolkaas ay saameysay abaar xoogan, isla markaana halkaas ka jirto biyo la’aan.

- Advertisement -

Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa xiligaan ka jira abaaro darran oo sameeyay dadka iyo xoolaha, isla markaana waxaa go’ay ceelashii biyaha laga cabi jiray, iyadoona dadka ay heysato xaalad adeg oo u baahan in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo.

Latest stories