HomeWararKudladda Musharaxiinta oo Sheegay in banaanbaxa Jimcaha uu ka dhacayo 63-Isgoys oo...

Kudladda Musharaxiinta oo Sheegay in banaanbaxa Jimcaha uu ka dhacayo 63-Isgoys oo Muqdisho ku yaala

Date:

Related stories

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...

HIQ oo qaaday aqoon-isweydaarsi ku saabsan IPv6

HIQ oo qaaday aqoon-isweydaarsi ku saabsan IPv6 Muqdisho, 10 Juun...

Baydhabo oo dooranaysa hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Baydhabo oo dooranaysa hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Baydhabo, 10 Juun 2026 –...

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...
- Advertisement -

Kudladda musharaxiinta madaxweynaha dhexdhexaadka ah iyo qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda dalka ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay uga hadleen xaaladda dalka, gaar ahaan dibadbaxyada ay shacabku ku muujinayaan shucuurtooda la xariirta rabitaankooda.

Cumar C/qaadir Fiqi Guddoomiyha kudladda musharaxiinta madaxweynaha dhexdhexaadka ah ayaa halkaasi ka sheegay in 63-isgoys ay dadweynaha isugu yimaadaan bannaanbaxyo nabadeed daljirka dahsoon.

- Advertisement -

“Waxa la idinkugu yeerayo dagaal maahan, buuq maahan, dhagaxtuur maahan, laakin waa inaad dareenkiina muujisaan” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Fiqi oo sheegay inay dastuuri tahay dadku inay isku soo baxaan.

Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen madax iyo xubno ka tirsan xisbiyada siyaasadda dalka ayaa looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa isla markaana looga qeyb qaadan lahaa dadaalada dalka looga saarayo jaha wareerka ka taagan hannaanka doorashooyinka.

Ilaa iyo iminka lama bannaanbaxa ay ku dhawaaqday kudladda musharaxiinta madaxweynaha ee dhexdhexaadka ah, inkasta oo ay socdaan dadaallo la doonayo in lagu hakiyo dibadbaxyadaasi isla markaana heshiis is afgarad ay ka gaareen dowladda iyo musharaxiinta.

Latest stories