HomeWararPuntland oo shuruudo cusub ku xirtay ka qeyb galka shirarka doorashooyinka

Puntland oo shuruudo cusub ku xirtay ka qeyb galka shirarka doorashooyinka

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Maamul Goboleedka Puntland ayaa shuruud Culus ku xirtay ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho. Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Puntland ay dalbadatay in Shirka uu ku baaqay Farmaajo laga wareejiyo Caasimadda dalka ee Muqdisho, isla markaana lagu qabtay dalalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamul Goboleedka Puntland ayaa shuruud Culus ku xirtay ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Puntland ay dalbadatay in Shirka uu ku baaqay Farmaajo laga wareejiyo Caasimadda dalka ee Muqdisho, isla markaana lagu qabtay dalalka Jabuuti ama Kenya.

- Advertisement -

Shirkaas ayaa lagu waday in 18-ka bishaan furmo, hayeeshee dib u dhac ayaa yimid, waxaana qorshahiisu yahay in lagu saxiixayo heshiiskii Guddiyada Farsamada dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku gaareen Baydhabo.

Dowladda Federaalka ayaa Madaxda Puntland iyo Jubbaland ugu baaqday inay kasoo qeyb galaan shirka oo kulan u hordhac u ah uu shir guddoomiyay maalin kahor Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo.

Jubbaland ayaa horey shuruudo dhowr ah ugu xiray ka qeyb galka shirkaas ka dhacaya Magaalada Muqdisho, waxaana ay dalbatay in shirka lagu qabto meel amaan ah, ayna kasoo qeyb galaan Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Beesha Caalamka.

- Advertisement -

Shuruuda cusub ee Puntland ku xirtay ka qeyb galka Shirka ayaa waxaa ay kusoo beegmeysaa, iyada oo shalay Wakiilo ka socday Beesha Caalamka ay Puntland ka dalbadeen inay ka qeybgasho shirkaas, si loo qabto doorashada Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts