HomeWararMareykanka oo liiska argagixisada ku daray rag ka tirsan ururka Al-shabaab

Mareykanka oo liiska argagixisada ku daray rag ka tirsan ururka Al-shabaab

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku celisay in ay Soomaaliya la garab taagan tahay hiil iyo hoo ku saabsan sidii ay nabadda u soo celin lahayd islamarkaana uga adkaan lahayd Al-Shabaab. Ku simaha Waliika Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Richard Mills, ayaa isagoo ka hadlayay kulankii Golaha Amaanka ee xaaladda Soomaaliya waxa uu sheegay in Washington […]

- Advertisement -

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku celisay in ay Soomaaliya la garab taagan tahay hiil iyo hoo ku saabsan sidii ay nabadda u soo celin lahayd islamarkaana uga adkaan lahayd Al-Shabaab.

Ku simaha Waliika Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Richard Mills, ayaa isagoo ka hadlayay kulankii Golaha Amaanka ee xaaladda Soomaaliya waxa uu sheegay in Washington ay liiska cunaqabateynta ku dartay saddex xubnood oo ka tirsan al-shabaab, kuwaasoo xayiraado si gaar ah loo saarayo.

- Advertisement -

“Dowladda Mareykanku wali waxay diiradda saareysaa xakameynta awoodda al-Shabaab ay ku fulin karaan weerarrada ka dhanka ah rayidka, waxayna diyaar u tahay in ay wadashaqeyn la sameyso dowlad goboleedyada si loo hirgeliyo qaraarka cunaqabateynnada Soomaaliya ee tirsigiisu yahay 751,” ayuu yidhi Mr Mills.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu magacaabay xubnaha cusub ee lagu daray liiska cunaqabateynta Mareykanka.

“Annagoo taas ka duuleyna, waxaan ku faaneynaa inaan maanta caddeyno in aan annaga iyo dowladda Soomaaliya si wadajir ah u magacawno saddex hoggaamiye oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu daray liiska cunaqabateynta, kuwaasoo magacyadoodu kala yihiin: Abuukar Cali Aadan, Macallin Ayman iyo Mahad Karate.

- Advertisement -

“Tallaabadan cunaqabateynta ah waxay ka turjumeysaa in beesha caalamku ay la xisaabtameyso dadka wiiqaya nabadda Soomaaliya, amniga iyo xasiloonida,” ayuu yidhi Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay.

Latest stories