HomeWararWaddo ku taalla Gobolka Hiiraan oo cabsi darteed u Go’day

Waddo ku taalla Gobolka Hiiraan oo cabsi darteed u Go’day

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Saacadihii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay weeraro geystay khasaaro isugu dhimasho iyo dhaawac iyo dilal qorsheysan oo ay geysteen rag hubeyan oo Malaeshiyaad ah. Weerarada iyo dilalka dhacay ayaa ahaa kuwo salka ku haaya arrimo la xiriira aano qabiil, isla markaana 48-saac ee lasoo dhaafay deegaano hoostega degmada Matabaan […]

- Advertisement -

Saacadihii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay weeraro geystay khasaaro isugu dhimasho iyo dhaawac iyo dilal qorsheysan oo ay geysteen rag hubeyan oo Malaeshiyaad ah.

Weerarada iyo dilalka dhacay ayaa ahaa kuwo salka ku haaya arrimo la xiriira aano qabiil, isla markaana 48-saac ee lasoo dhaafay deegaano hoostega degmada Matabaan lagu dilay saddex qof, halka kuwo kalena la weeraray xili ay saarnaayeen gaari.

- Advertisement -

Rag hubeysan oo loo maleynayo inay yihiin Maleeshiyaad ayaa xalay wadada u galay gaari ay ku safrayeen dad shacab ah, xili uu mararay wadada xiriirisa Matabaan iyo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas ku dhintay hal qof.

Sidoo kale weerarka lagu qaaday gaarigaas ayaa waxaa ku dhaawacmay saddex qof, iyadoona goobta uu falku ka dhacay ay baxsadeen ragii ka dambeeyay weerarka oo u baxsaday dhul-howd ah sida la sheegay.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helayo wadada u dhexeeysa Matabaan iyo Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in halkaas ay gebi ahaa go’day, sababo la xiriira cabsi laga qabo weeraro iyo dilal ka dhaca.

- Advertisement -

Gaadiidka iyo dadkii ku socdaali jiray wadadaas ayaa kahad galay, waxaana la sheegay in Darawalada iyo dadka  u cabsanayaan naftooda, maadaama hareeraha wadada ay tahay meel howd ah, isla markaana ay jirto xaalad casi ah oo dadka ay dareemayaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories