HomeCaalamkaUrurka Xisbullaah oo gacanta ku dhigay hub hajabaad Culusna diray

Ururka Xisbullaah oo gacanta ku dhigay hub hajabaad Culusna diray

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Hoggaamiyaha Ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in kooxdiisa ay hadda haysato laba laab tirada gantaallada la hago ee ay haysatay sanad ka hor, isla markaana isku dayo ay Israel kaga hortageysay inay hubkaas helaan uu fashilmay. Xasan Nasrallah, oo wareysi siiyay taleefishinka saldhiggiisu yahay Beirut ee Al-Mayadeen, ayaa sheegay in kooxdiisa ay awood […]

- Advertisement -

Hoggaamiyaha Ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in kooxdiisa ay hadda haysato laba laab tirada gantaallada la hago ee ay haysatay sanad ka hor, isla markaana isku dayo ay Israel kaga hortageysay inay hubkaas helaan uu fashilmay.

Xasan Nasrallah, oo wareysi siiyay taleefishinka saldhiggiisu yahay Beirut ee Al-Mayadeen, ayaa sheegay in kooxdiisa ay awood u leedahay inay weerarto meel kasta oo ka mid ah Israel iyo dhulka la haysto ee Falastiin.

- Advertisement -

Nasrallah ayaa sheegay in markii ay Israel ugu hanjabtay Xizbullah, iyadoo oo usoo marineysa sarkaal Mareykan ah, inay weerereyso xarumo ku yaalla gobolka bari ee Bekaa, ay kooxdiisa ka digtay inay aargudan doonto, Israel ayaa bilihii tegay walaac ka muujisay in Xizbullah ay dhiseyso warshad soo saarta gantaalada la hago.

Waxa uu sidoo kale sheegay in toddobaadyada xilka uga haray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay yihiin kuwa xasaasi ah, oo ay tahay in taxaddar leh loola macaamilo. Waxa uu Trump ugu yeeray mid waalan oo carreysan.

Nasrallah ayaa mar kale wacad ku maray in Iran iyo xulufadeeda ay ka aargudan doonaan dilkii taliyihii guutada Quds ee ciidamada ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, Qassim Soleimani, kaasi oo Mareykanka ay ku dileen Iraq, sanad ka hor.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories