HomeWararXildhibaanada waqtigooda dhammaaday oo Maanta kulan yeelanaya

Xildhibaanada waqtigooda dhammaaday oo Maanta kulan yeelanaya

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee xil-gaarsiinta ah ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa la filayaa in mid kamid kulamadoodii caadiga ahaa ay ku yeeshan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho. Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay sida lagu shaaciyay Qoraal kasoo baxay Golaha shacabka, Akhrinta labaad ee Qoondada Miisaaniyadda dowladda Federaalka ee sanadka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee xil-gaarsiinta ah ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa la filayaa in mid kamid kulamadoodii caadiga ahaa ay ku yeeshan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay sida lagu shaaciyay Qoraal kasoo baxay Golaha shacabka, Akhrinta labaad ee Qoondada Miisaaniyadda dowladda Federaalka ee sanadka Cusub ee 2021.

- Advertisement -

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee waqtigoodu dhammaaday ayaa xalay waxaa loo diray fariimo ku aadan in Maanta uu jiro kulan, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb gaalan kulankaas, si loo dardar geliyo howlaha weli horyaalla Golaha.

Maalintii shalay aheyd ayuu dhammaday muddo xileedkii Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyagoona xilka siheyn doona ilaa iyo inta laga soo dooranayo Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa horey u shaaciyay in Xildhibaanada ay sii shaqeyn doonaan ilaa inta laga soo dhaarinayo Xildhibaanada Cusub, xili uu weli khilaaf ka taagan yahay doorashada dalka ka dhaceysa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

As Justin Davis Leaves Mogadishu, Washington Is Asking a Different Question About Somalia

As Justin Davis concludes his tenure as Chargé d’Affaires...

No posts to display