HomeWararKhasaaro badan oo ka dhashay dagaal ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida

Khasaaro badan oo ka dhashay dagaal ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay uu ka dhacay dagaal xoogan oo geystay khasaaro kala duwan.

Dagaalka ayaa dhexmaray Ciidamo ka tirsan dowlad deegaanka ee Liyu-Booliiska iyo  kuwa ismaamulka Cafarta ee Itoobiya, waxaan dagaalkaas uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka Cafarta ay weerar xoogan ku qaadeen dad shacab iyo Ciidamo.

Weerarkaaas ayaa waxaa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Dan-lahelay ee Gobolka Sitiee  DDS, isla markaana waxaa halkaas lagu laayay shacab ah badnaa xoolo dhaqato iyo Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka, xili ay halkaas ku sugnaayeen.

Khasaaro aad u badan ayaa ka dhashay dagaalkii dhexmaray Ciidamada Liyu-Booliiska iyo kuwa Cafarta, waxaana la xaqiijiyay in halkaas ku dhinteen in ka badan 50 qof, halka tirro intaas ka badana ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Xaaladda deegaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa ah weli mid kacsan, isla markaana waxaa halkaas isku hor-fadhiya Ciidanka Liyu-Booliiska iyo kuwa Cafarta, waxaana laga cabsi qabana in mar kale dagaal uu dhexmaro labada dhinac.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories