HomeWararDil ka dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa

Dil ka dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo fiidnimadii xalay xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka degmadaas.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in rag hubeysan oo burcad ah ay Wiilka dhalinyarada ahaa ku dileen xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir, dilkaas ayaa yimid kadib markii muran uu soo kala dhexmaray burcada iyo Marxuumka dhintay.

Buracda oo watay dharka Ciidanka dowladda ayaa markii horey Wiilka weydiiyay inuu soo dhiibo Mobile uu gacanta ku watay, hayeeshee uu xoogaa dalabkaas diiday, kadibna markii damb qeybaha sare ee jira uga dhuftay rasaas, isagoona goobta ku geeriyooday.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Ganeey, isla markaana waxaa goobta uu falka ka dhacay si dhaqsi ah uga baxsaday raggii hubeysnaa, iyagoona horey u sii qaatay Telefoonkii ay doonayay inay dhacaan.

Qaar kamid ah Ehelada Cabdi Ganeey ayaa tegay goobta, iyagoona soo qaaday Meydkiisa, waxaana markii dambe halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo howlgalo sameeyay.

Xaafaddo ka tirsan degmooyinka deriska ah ee Wadajir iyo Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa horey uga dhacay dilal ay geysteen rag hubeysan oo burcad ahaa, kuwaasi oo dhac u geystay dadkii ay dileen, kuwo kalena ka qaatay telefoonka gacanta iyo waxyaabo kale oo ay wateen xiligaas.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories