HomeWararWasiirka Gaashaandhigga iyo Mas’uuliyiin kale oo booqday Ciidamo ku dhaawacmay Qaraxii Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Mas’uuliyiin kale oo booqday Ciidamo ku dhaawacmay Qaraxii Gaalkacyo

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneral Cabaas Amiin ayaa waxay booqdeen Ciidamadii ku soo dhaawacmay Weerarkii  Galkacyo , kuwaas oo iminka lagu dabiibayo isbitaalka Ordogan Ex Digfeer ee muqdisho iyo isbitaalka Xoogga Dalka soomaaliya . Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa ugu […]

- Advertisement -

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneral Cabaas Amiin ayaa waxay booqdeen Ciidamadii ku soo dhaawacmay Weerarkii  Galkacyo , kuwaas oo iminka lagu dabiibayo isbitaalka Ordogan Ex Digfeer ee muqdisho iyo isbitaalka Xoogga Dalka soomaaliya .

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa ugu horeyntii Xaaladda Ciidamada iyo saraakiisha lagu dabiibayo isbitaalka waxa uu ka xogwareystay agaasimaha isbtilaalka Ordogan waxaana uu masuuliyiintii booqday u sheegay in gurmad caafimaad oo aad wanaagsan loo fidiyay , iminkana Xaaladoodu tahay mid wanaagsan ,

- Advertisement -

Intaas ka dib wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ayaa mid mid u booqday bukaanada isagoo u rajeeyay caafimaad Taam ah

“Dowladiina iyo shacabkiinaba waa idiin ogyihiin in naftiina aad u hurteen dalkiina iyo dadkiina , si dhaw ayaan ula socon doonnaa Xaaladiina Caafimaad , qarankiina marna idinma dayici doono “Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya .

Sidoo kale wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa tilmaamay in Dhaawacyada aan xaladooda caafimaad dalka waxba looga qaban karin , ay DFS baxnaano caafimaad oo dibadda ah ay u qaadi doonto.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories