HomeWararMid ka mid ah Musharaxiinta Mucaaradka ah oo war kasoo saaray Qodobadii...

Mid ka mid ah Musharaxiinta Mucaaradka ah oo war kasoo saaray Qodobadii kasoo baxay Shirkii IGAD

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Siyaaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisibiga Wadajir  ayaa ka hadlay War-murtiyeed laga soo saaray Shir madaxeedka urur Goboleedka IGAD oo lagu qabtay dalka Jabuuti, waxaana kasoo baxay shirkaaasi Qodobbo dhowr ah. CC Shakuur ayaa sheegay in  uu kula talinayo Madaxweyne Farmaajo in talada waxgaradka bulshada, siyaasiyiinta iyo beesha caalamka uu dhageysto, si meesha […]

- Advertisement -

Siyaaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisibiga Wadajir  ayaa ka hadlay War-murtiyeed laga soo saaray Shir madaxeedka urur Goboleedka IGAD oo lagu qabtay dalka Jabuuti, waxaana kasoo baxay shirkaaasi Qodobbo dhowr ah.

CC Shakuur ayaa sheegay in  uu kula talinayo Madaxweyne Farmaajo in talada waxgaradka bulshada, siyaasiyiinta iyo beesha caalamka uu dhageysto, si meesha looga saaro walwalka iyo dareenka taban ee ay shacabku ka qabaan arrimaha doorashooyinka.

- Advertisement -

Waxaana Shirka  laga soo saaray Qodobo dhowr ah oo quseeya siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka, iyadoo Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada dalka loogu baaqay in xal ka gaaran, khilaafadka ka dhexeeya.

Hoos ka aqriso Qoraalka CC Shakuur

Qodobka 14-aad ee war-murtiyeedkii ka soo baxay shir madaxeedka IGAD ee ka hadlaya doorashooyinka Soomaaliya wuxuu adkeeyey war-saxaafadeedkii ay sida wadajirka ah u soo saareen beesha caalamka 15-kii December. Qodobkaas ayaa sidatan u dhigan

- Advertisement -

“Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada iyo saamileyda kale in ay xalliyaan khilaafka ka dhashay maamulka doorashada si kalsooni iyo wadar-ogol ah, iyadoo la tixgelinaya ruuxda heshiiskii iyo kii 17-kii September 2020”

Horey ayaa Golaha Midowga Murashaxiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku taliyeen in Madaxweyne Farmaajo uu hannaanka maamulka doorashada dhexda soo dhigo, lagana heshiiyo is marin waaga ka taagan qodobbada la isku hayo.

Waxaan mar kale kula talinayaa Madaxweyne Farmaajo in uu talada waxgaradka bulshada, siyaasiyiinta iyo beesha caalamka dhageysto, si meesha looga saaro walwalka iyo dareenka taban ee ay shacabku ka qabaan arrimaha doorashooyinka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories