HomeWararDuqa Muqdisho oo xariga ka jaray Waddo dib u dhis lagu...

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Waddo dib u dhis lagu sameeyay

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Xariga ka jaray Wadada Jeneraal Daa’uud ee xiriirsa Isgoyska siinaay iyo Boondhere kalana barta Degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere ee Gobolka Banaadir. Wadadaan oo inta u dhaxeysa Isgoyska Siinaay ilaa iyo Boondheere ee aheyd mid aad u bur-bursaned muddo sanado ah […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Xariga ka jaray Wadada Jeneraal Daa’uud ee xiriirsa Isgoyska siinaay iyo Boondhere kalana barta Degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Wadadaan oo inta u dhaxeysa Isgoyska Siinaay ilaa iyo Boondheere ee aheyd mid aad u bur-bursaned muddo sanado ah ayaa waxa uu Guddoomiye Cumar Filish horey u balan qaaday in la dhisi doonno iyadoona ugu danbeyn Maanta uu xariga ka jaray, Waxa uuna shacabka labada Degmo kula dar-daarmay in ay ilaashadaan kana shaqeeyaan bilicda wadada.

- Advertisement -

Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere oo munaasabada xarig jarka ka hadlay ayaa ugu Mahadceliyay Duqa Muqdisho ka dhabeynta balanqaadkiisa ahaa dhismaha wadadaan, iyagoona dhankooda balan-qaaday in ay ka shaqeyn doonaan Bilicda wadada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho ayaa inta uu Xafiiska joogo waxa uu dhisay wadooyin dhowr ah oo muhiim u ah shacabka Gobolka Banaadir kuwaasi oo qeyb ka ah Qorshaha Horumarinta Caasimada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories