HomeCaalamkaXildhibaan ka badbaaday Qarax xoogan oo loo adeegsaday Gaari

Xildhibaan ka badbaaday Qarax xoogan oo loo adeegsaday Gaari

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Qarax loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay Maanta caasimadda wadanka Afgaanistan ee Kabul ugu yaraan sagaal ruux ayaa ku geeriyootay, waxaana bartilmaameedkiisu ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka, sida ay saraakiishu sheegeen. Khan Mohammed Wardak ayaa ka badbaaday weerarka, iyadoo 20 qof ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan Haweenk iyo carruur, sida wasiirka arrimaha […]

- Advertisement -

Qarax loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay Maanta caasimadda wadanka Afgaanistan ee Kabul ugu yaraan sagaal ruux ayaa ku geeriyootay, waxaana bartilmaameedkiisu ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka, sida ay saraakiishu sheegeen.

Khan Mohammed Wardak ayaa ka badbaaday weerarka, iyadoo 20 qof ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan Haweenk iyo carruur, sida wasiirka arrimaha gudaha Afghanistan Mascuud Andarabi sheegay. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

- Advertisement -

Afghanistan waxaa ku sii kordhay weeararada iyo qaraxyada todobaadyadii u dambeeyay, iyadoo Dowladda iyo Taliban oo wadahadal u socdo kaas oo la doonayo in lagu soo afmeero dagaalka ku dhowaad 20 sano ka socday dalkaas.

Dhinca kale, Axaddii qaraxyo ayaa laga soo wariyay gobolada Logar, Nangarhar, Helmand iyo Badakhshan, waxaana ku waxyeeloobay saraakiil ka tirsan ciidanka amniga.

Jimcihii qarax loo adeegsaday mooto Bajaaj ayaa dilay 15 ruux oo ay ku jiraan 11 caruur ah, dhibaatada ayaa ka dhacday gobolka bartamaha ku yaala ee Ghazni.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories