HomeCaalamkaQaramada Midoobe iyo Itoobiya oo ka wada hadlay xaaladda qaxootiga

Qaramada Midoobe iyo Itoobiya oo ka wada hadlay xaaladda qaxootiga

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Wafdi ka socda he’yadda qaxootiga Qaramada Midoobey ee UNHCR ayaa gaaray magaalada Adis Ababa si ay dowlada Itoobiya ugu booriyaan badbaadinta dadka qaxootiga ah gaar ahaan kuwa ku sugan xeryaha ku yaala gobalka Tigray ee dagaaladu ka jiraan.

Wasiiru dowlaha nabadda Itoobiya Frealem Shibabaw, oo wafdiga qaabishay ayaa sheegtay in Itoobiya ay muhiimad gaar ah siineyso ilaalinta badqabka qaxootiga isla markaana la qaaday talaabooyin lagu ilaalinayo dadka rayidka ah oo ay ka mid yihiin kuwo xeryaha qaxootiga ku jira mudadii uu socday howlgalka gobalka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

- Advertisement -

Waxay tilmaantay in dadkii xeryaha ka cararay cabsi darteed mudadii uu socday dagaalka tigray ay hada ku laabteen meelihii ay ka yimaadeen.

Waxay sidoo kale sheegtay in itoobiya ay diyaar u tahay soo celinta qaxootiga Sudan jooga hadii ay iyagu doonaan.

Waxaa maalmahan jiray walaac xoogan oo heyadaha samafalka ay ka muujinayeen dadka qaxootiga ah ee ku nool waqooyiga Itoobiya  iyo eedeymo .loo jeediyay oo ahaa in qasab lagu celiyay qaxooti  Eritrea ka yimi oo ku sugnaa gobalka tigreega

- Advertisement -

Dowlada Itoobiya ayaa beenisay eedaasi waxayna sheegtay in qaxootiga ay iskood xeryaha uga baxeen iyaga oo dagaalka ka baqaya.

Gobalka Tigray ee waqooyiga Itoobiya waxaa ku yaala 33 xero oo dadka qaxootiga ay daganyihiin waxayna badankood ka yimaadeen dalka Eritrea.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories