HomeWararGuddoomiye Geedaqoroow oo amar Culus dul dhigay dadka Guryaha ku leh Dhuusamareeb

Guddoomiye Geedaqoroow oo amar Culus dul dhigay dadka Guryaha ku leh Dhuusamareeb

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamul Goboleedka Galmudug Cabdiraxmaan Cali Geedaqoroow ayaa amar Culus dul dhigay dadka Guryaha ku leh Caasimadda Maamulkaasi ee Dhuusamareeb. Guddoomiyaha oo Odayayaasha iyo waxgaradka Degmada isugu yeeray ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeya dib u dhis iyo bilic soo celin ballaaran lagu sameyn doono Magaalada, waxaana uu farriin Culus […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamul Goboleedka Galmudug Cabdiraxmaan Cali Geedaqoroow ayaa amar Culus dul dhigay dadka Guryaha ku leh Caasimadda Maamulkaasi ee Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha oo Odayayaasha iyo waxgaradka Degmada isugu yeeray ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeya dib u dhis iyo bilic soo celin ballaaran lagu sameyn doono Magaalada, waxaana uu farriin Culus u diray Qof waliba oo guri ku leh Magaalada.

- Advertisement -

Cabiraxmaan Geeda Qoroow ayaa sheegay in Qofkii Gurigiisa quruxsan waaya uu ciqab adag la kulmi doono, waxaana uu sheegay in Magaalada Guryaha jajaban ee ku yaalla ay dadkii iska lahaa si deg deg ah u dayac tirtaan, isagoo sheegay in taas ay kaga golleeyihiin bilic soo celinta iyo qurxinta Caasimadda.

Waxaa intaas uu ku daray in ay diyaariyeen Shaqaalihii ka shaqayn lahaa Bilicda Magaalada, waxaana uu sheegay in ay ku jiraaan Injineero dib u dhis ku samayn doona Magaalada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories