HomeWararFaah faahin:- Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Faah faahin:- Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Galabta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana Qaraxaasi ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh. Qaraxa oo uu fuliyay Ruux waxyaabaha Qaraxa isku soo xiray ayaa ka dhacay Iridda hore ee Garoonka C.llaahi Ciise oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo oo ay ka socotay Qaban-qaabada […]

- Advertisement -

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Galabta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana Qaraxaasi ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Qaraxa oo uu fuliyay Ruux waxyaabaha Qaraxa isku soo xiray ayaa ka dhacay Iridda hore ee Garoonka C.llaahi Ciise oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo oo ay ka socotay Qaban-qaabada soodhaweynta Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wafdigiisa, waxaana Qaraxaasi ismiidaaminta ah ku dhintay dad badan oo ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga iyo dad shacab ah.

- Advertisement -

Wali ma cadda Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashya Qaraxaasi, waxaana wararku tibaaxayaan in dhimashadu ay ku dhawdahay 10 ruux, halka dhaawacu uu intaas ka badan yahay, waxaana dadka Qaraxaas ku dhintay ka mid ah Saraakiil Ciidan oo ay ku jiraan Gaashaanle Mukhtaar oo ahaa taliyihii ciidamada Danab ee Galmudug iyo taliyihii qeybta 21aad General Qooje, kuwwasi oo u geeriyooday Dhaawac culus oo soo gaaray.

Sidoo kale Qaraxa dadka ku dhintay  waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland Yaasiin Tumeey, waxaana jira Saraakiil iyo Askar kale oo ku dhintay Qaraxa sida wararka soo baxaya ay tilmaamayaan.

Goobta ayaa ahayd mid aad u mashquul badnayd, waxaana ka socday qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaare Maxmed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo, waxaana goobta ku sugnaa Saraakiil u badan Ciidanka Xoogga oo u diyaar garoobayay Soodhaweynta Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa Goobta Qaraxu ka dhacay laga bixiyay iridda gadaale ee garoonka, kadib markii laga cabsaday in Iridda hore uu mar kale qarax ka dhaco khasaaruhuna uu sii bato.

- Advertisement -

Wali laamaha ammaanka Galmudug kama hadlin Qaraxaasi ismiidaaminta ah, waxaana la filaya in Saacadaha soo aaddan ay warbaahinta la hadlaan Saraakiisha laamaha amaaanka galmudug, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in wali lagu mashquulsan yahay dadkii ku dhaawacmay Qaraxa oo isbitaalada loola cararay.

Wixii kusoo kordha halkaaan kala soco.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories