HomeCaalamkaMadaxweynaha Mozambique oo qaati ka taagan kooxo Mintidiin ah

Madaxweynaha Mozambique oo qaati ka taagan kooxo Mintidiin ah

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Madaxweynaha Mozambique Filipe Nyusi ayaa Arbacadii sheegay in mintidiintu ay ku qasbeen 570,000 oo qof in ay ka qaxaan guryahooda gobolka Cabo Delgado ee waqooyiga Mozambique. Nyusi ayaa wacad ku maray inuu ka guuleysan doono kooxaha kacdoonka wada ee kordhiyay weerarada tan iyo markii ay ku dhawaaqeen in ay ku biireen kooxda Daacish sanadkii hore. […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Mozambique Filipe Nyusi ayaa Arbacadii sheegay in mintidiintu ay ku qasbeen 570,000 oo qof in ay ka qaxaan guryahooda gobolka Cabo Delgado ee waqooyiga Mozambique.

Nyusi ayaa wacad ku maray inuu ka guuleysan doono kooxaha kacdoonka wada ee kordhiyay weerarada tan iyo markii ay ku dhawaaqeen in ay ku biireen kooxda Daacish sanadkii hore.

- Advertisement -

Dagaalyahannada ayaa dagaal la galayay ciidamada, iyagoo bilooyinkii u danbeeyay la wareegay magaalooyin ka tirsan gobolkan oo hoy u ah horumarka gaaska qiimihiisu gaarayo $60 bilyan.

Horraantii toddobaadkan, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ugu yaraan 424,000 oo qof ay u qaxeen gobollada deriska la ah ee Niassa, Nampula iyo Pempa, waxayna ka digtay in dhibaatadu ku fidi karto goobaha ka baxsan xuduudaha Mozambique.

Kooxdan xagjirka ah ee Ahlu-Sunnah Wa-Jamaca ayaa fulisay weerarkeedii ugu horeeyay sanadkii 2017-kii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories