HomeWararXasan Sheekh “Annaga ayaa ka qeyb galeyno Banaanbaxyada ka dhan ah Farmaajo”

Xasan Sheekh “Annaga ayaa ka qeyb galeyno Banaanbaxyada ka dhan ah Farmaajo”

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Musharax Madaxweyne ayaa sheegay inay ka xun yihiin rasaastii Maanta lagu furay dadkii banaanbaxa looga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo ka dhigay Muqdisho.

Xasan Sheekh oo warbaahinta la hadlay ayaa shacabka Gobolka Banaadir ugu baaqay inay sii wadaan banaanbaxyada nabadda ee ka dhan ah Farmaajo iyo DFS, isla markaana xusay in Musharaxiinta ay ku biiri doonaan banaanaxyada ka dhacaya Muqdisho.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Xasan Sheekh in shacabka Soomaaliyeed lagu soo mada-daaliyey doorasho qof iyo Cod, hayeeshee taas aysan dhicin, markii dambana la gaaray heshiis ah in la qato doorasho badban, ayna Musharaxiinta aqbaleen Go’aankaas.

Madaxweyne Farmaajo iyo  Xukuumadda ayuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inay caqabado badan hordhigeen doorashada dalka, ayna sabab u yihiin in xiligaan dhici weydo doorasho qof iyo Cod ah, isla markaana sharciga dalka ay ku tunteen.

Heshiiskii laga gaaray doorashada 17-kii bishii November 2020 ayuu Madaxweynihii hore ee dalka tilmaamay inuu buriyey Farmaajo, kadib markii Guddiyada uu kusoo daray xubno ka tirsan hay’adda NISA iyo shaqaalaha dowladda.

- Advertisement -

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa Ciidanka dowladda Federaalka uga digay in Madaxda dowladda ay u adeegsadaan in  dad shacab ah oo banaanbax nabadeed ka dhigaya Muqdisho la rasaaseeyo, wuxuuna falkii Maanta lagu rasaaeeyay dadkii dhigayay banaanbaxa uu ku eedeeyay Madaxweynaha.

Uggu dambeyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxda dowladda iyo Taliska Booliska ka dalbaday in lasii daayo dadkii loo xiray banaanbixii ka dhacay Caasimadda, isla markaana la joojiyo baacsiga lagu haayo dadkii kale ee ka qeyb galay banaanbaxa.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories