HomeWararRa'iisul Wasaare Rooble oo farriin u diray shacabka Galmudug

Ra’iisul Wasaare Rooble oo farriin u diray shacabka Galmudug

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga deegaannada Galmudug ayaa dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caasimadda Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb uu ahmiyad weyn u leeyahay soo celinta kaabayaasha iyo horumarinta adeegyada bulshada ee muhiimka u ah shacabka Galmudug, isla markaan uu si deg deg ah ku bilaaban doonno mashruucan lagu dhisayo Garoonka.

- Advertisement -

Eng. Rooble ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Galmudug midnimo iyo wadajir si ay u gaaraan horumarka ay hiigsanayaan, isla markaasna dadaal dheeri ah ay geliyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen dhibaatooyinkii la haray deegaanka ee dib u riday horumarkii la sameyn lahaa.

“Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada, Siyaasiyiinta iyo qurba joogta Soomaaliyeed ee Galmudug in ay ka qeyb qaataan mashaariicda horumarineed iyo dib u dhiska Garoonka Caasimadda Dhuusamareeb.”

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya qeybta weyn ee ay ka qaadanayso dhismaha Garoonka, isagoo sheegay in mashruucani uu yahay mid saldhiggiisu yahay sidii Caasimadda Galmudug ay u heli lahayd garoon diyaaradeed oo u qalma.

- Advertisement -

Munaasabadda Dhagax dhigga Garoonka ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxda Galmudug, Wasiirro, Xildhibaanno iyo marti sharaf kale.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories