HomeWararMusharaxiinta oo War kulul kasoo saaray dadkii lagu rasaaseyay Muqdisho

Musharaxiinta oo War kulul kasoo saaray dadkii lagu rasaaseyay Muqdisho

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Golaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha ayaa si kulul Cambaareeyay rasaastii Maanta Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku fureen dad banaanbax looga horjeeday Madaxweyne Farmaajo ka dhigay Muqdisho. Qoraal kasoo baxay Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka dowladd ay rasaata si arxan darrida ah ugu fureen shacabkii Soomaaliyeed ee sida nabadda ah ugu […]

- Advertisement -

Golaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha ayaa si kulul Cambaareeyay rasaastii Maanta Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku fureen dad banaanbax looga horjeeday Madaxweyne Farmaajo ka dhigay Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka dowladd ay rasaata si arxan darrida ah ugu fureen shacabkii Soomaaliyeed ee sida nabadda ah ugu mudaaharaadayey Magaalada Muqdisho, loona horjeeday Farmaajo iyo dowladda.

- Advertisement -

Musharaxiinta ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in dadkii dhigaayay banaanbaxa uu u adeegsaday ciidanka Gorgor iyo Haramcad oo ay dawladda Turkiga tababartay, isla markaana rasaasatii ay fureen ku dhaawacantay afar ruux.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa sheegay in banaanbixii Maanta loo xiray laba qof, welina Taliska Booliska Gobolka Banaadir ay ku raad-joogaan dadkii ka qeyb galay banaanbaxa, iyagoona dalbaday in lasii daayo dadka la xiray, lana joojiyo baacsiga lagu haayo dadka.

Qoraalka Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ayaa waxaa lagu caddeeyay in Madaxweyne Farmaajo uu diidan yahay inay dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, sidoo kalena uu diiday in la dhigyo banaanbaxyo, lana qabo kulamo siyaasadeed.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay rasaas Ciidanka dowladda Federaalka ay Maanta ku fureen dad Muqdisho ka dhigaayay banaanbaxyo xoogan, waxaana uu sigaar ah uga dhacay degmada Kaaraan, Yaaqshiid iyo Cabdicasiis.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Musharaxiinta xilka Madaxweynaha.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories