HomeWararMusharaxiinta oo War kulul kasoo saaray dadkii lagu rasaaseyay Muqdisho

Musharaxiinta oo War kulul kasoo saaray dadkii lagu rasaaseyay Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Golaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha ayaa si kulul Cambaareeyay rasaastii Maanta Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku fureen dad banaanbax looga horjeeday Madaxweyne Farmaajo ka dhigay Muqdisho. Qoraal kasoo baxay Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka dowladd ay rasaata si arxan darrida ah ugu fureen shacabkii Soomaaliyeed ee sida nabadda ah ugu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Golaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha ayaa si kulul Cambaareeyay rasaastii Maanta Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku fureen dad banaanbax looga horjeeday Madaxweyne Farmaajo ka dhigay Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka dowladd ay rasaata si arxan darrida ah ugu fureen shacabkii Soomaaliyeed ee sida nabadda ah ugu mudaaharaadayey Magaalada Muqdisho, loona horjeeday Farmaajo iyo dowladda.

- Advertisement -

Musharaxiinta ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in dadkii dhigaayay banaanbaxa uu u adeegsaday ciidanka Gorgor iyo Haramcad oo ay dawladda Turkiga tababartay, isla markaana rasaasatii ay fureen ku dhaawacantay afar ruux.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa sheegay in banaanbixii Maanta loo xiray laba qof, welina Taliska Booliska Gobolka Banaadir ay ku raad-joogaan dadkii ka qeyb galay banaanbaxa, iyagoona dalbaday in lasii daayo dadka la xiray, lana joojiyo baacsiga lagu haayo dadka.

Qoraalka Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ayaa waxaa lagu caddeeyay in Madaxweyne Farmaajo uu diidan yahay inay dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, sidoo kalena uu diiday in la dhigyo banaanbaxyo, lana qabo kulamo siyaasadeed.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay rasaas Ciidanka dowladda Federaalka ay Maanta ku fureen dad Muqdisho ka dhigaayay banaanbaxyo xoogan, waxaana uu sigaar ah uga dhacay degmada Kaaraan, Yaaqshiid iyo Cabdicasiis.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Musharaxiinta xilka Madaxweynaha.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts