HomeWararBeesha Caalamka oo dalab Deg-deg ah u dirtay DFS iyo M/Goboleedyada

Beesha Caalamka oo dalab Deg-deg ah u dirtay DFS iyo M/Goboleedyada

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Beesha Caalamka ayaa War Cusub kasoo saaray xaaladda siyaasadda dalka iyo doorashada Soomaaliya ee dhaceysa dhammaadka sandkaan 2020/21, xili uu weli muran ka taagan yahay.

Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa walaac looga muujiyay khilaafka ka taagan hirgelinta doorashooyinka 2021 oo horey Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay heshiis uga gaareen.

- Advertisement -

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in muhiim ay tahay in doorashada waqtigeeda lagu qabto, haddii arrintaas ay dhici weydo ay wiiqi karto sharcinimada hannaanka doorashada, isla markaana ay abuuri karto xasillooni darro.

“In la billaabo hannaan is barbar socda ama in la isku qasbo guddiyada maareynta doorashada ee lagu muransan yahay ee aan buuxin shuruudihii lagu heshiiyey waxay wiiqeysaa sharcinimada hannaanka doorashada waxayna abuureysaa xasillooni darro”ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay saaxiibada Soomaaliya.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqday in kulan wadajir ah yeeshaan, lana xaliyo khilaafyada jira, ayna la xiriiraan saamilleyda kale oo loola jeedo Musharaxiinta Madaxweynaha.

- Advertisement -

“Waxaan mar kale ku celinaynaa baaqii aan u jeedineyno madaxda Dowladda Federaalka iyo DXF inay si deg deg ah dib u kulmaan ayna la xiriiraan saamilleyda kale si loo xalliyo tabashooyinka ku saabsan maareynta geedi socodka doorashooyinka iyadoo lagu xallinayo isafgarad wadar ogol ku dhisan si ay dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda, daah furnaan, oo kalsooni lagu qabo oo oo ay wada aqbalaan dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyayaasha muhiimka” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Qoraalka.

Muran xoogan ayaa xiligaan ka taagan doorashada dalka ka dhaceysa dalka Soomaaliya, waxaana Musharaxiinta Madaxweynaha ay kasoo horjeedan Guddiyada la magacaabay, sidoo kale waxaa diidan Puntland iyo Jubbaland oo shuruud ku xiray magacaabista Guddiyada laga sugayo.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories