HomeWararHooyo Caruurteeda Caawa ku gubtay deegaan ka tirsan Somaliland

Hooyo Caruurteeda Caawa ku gubtay deegaan ka tirsan Somaliland

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in maqribnimadii Caawa halkaas Guri ku yaalla lagu gubay Afar Caruur oo walaalo ah, kana mid ahaa dadka deegaanka. Falkaas lagu gubay Caruurta ayaa sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Naqdhabiijo oo ku yaalla Bariga Gobolka Togdheer, isla markaana […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in maqribnimadii Caawa halkaas Guri ku yaalla lagu gubay Afar Caruur oo walaalo ah, kana mid ahaa dadka deegaanka.

Falkaas lagu gubay Caruurta ayaa sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Naqdhabiijo oo ku yaalla Bariga Gobolka Togdheer, isla markaana waxaa Caruurta gubtay Hooyadii dhashay oo la joogtay.

- Advertisement -

Wariyeyaal ku sugan Magaalada Burco ayaa soo weriyey in Hooyada markii hore ay dab xoogan mar qura ku qabatay Caruurteeda oo Afar ahaa, isla markaana ku sugnaa Guri ay ka deganaayeen Naqdhabiijo.

Laba kamid ah Cauruurtii la gubay ayaa goobta ku geeriyootay, halka labada kalena ay dhaawacyo Culus soo gaareen, kuwaasi oo si deg deg ah dadka deegaanka ay u geeyen Isbitaalka guud ee Magaalada Burco.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Somaliland oo lagu wargeliyay dhacdadaas ayaa tegay halka Caruurta ay ku gubtay Hooyadii dhashay, iyagoona gacanta ku dhigay Hooyadii Cauuurteeda dishay.

- Advertisement -

Ilaa iyo hadda lama oga sababtay in Hooyadaas Caruurteedii ay dhashay u gubto, hayeeshee waxaa socda baaritaano ku aadan dhacdadaas, waxaana dadka deegaanka Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ay aad uga naxeen falkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories