HomeCaalamkaTallaalka COVID-19 oo si rasmi ah uga bilaabanaya Dal ku yaalla Yurub

Tallaalka COVID-19 oo si rasmi ah uga bilaabanaya Dal ku yaalla Yurub

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Qaybtii ugu horaysay talaalka Pfizer/BioNTech ee xanuunka Covid19 oo uu dhaliyo CoronaVirus ayaa la gaarsiiyay qaar ka mid ah isbitaallada iyo goobaha caafimaadka ee dalka Ingiriiska. Illaa 50 goob ayaa laga bilaabi doonaa wajiga koowaad ee tallaalka,waxaana la geeyay sanduuqyo qaboojiyayayaal ah oo tallaalku ku jiro. Maalinka talaadada ah ayaa saraakiisha caafimaadku sheegeen in uu […]

- Advertisement -

Qaybtii ugu horaysay talaalka Pfizer/BioNTech ee xanuunka Covid19 oo uu dhaliyo CoronaVirus ayaa la gaarsiiyay qaar ka mid ah isbitaallada iyo goobaha caafimaadka ee dalka Ingiriiska.

Illaa 50 goob ayaa laga bilaabi doonaa wajiga koowaad ee tallaalka,waxaana la geeyay sanduuqyo qaboojiyayayaal ah oo tallaalku ku jiro.

- Advertisement -

Maalinka talaadada ah ayaa saraakiisha caafimaadku sheegeen in uu talaalka si rasmi ah u bilaabanayo, dadka ugu horeeya ee la talaalayo ayaa ah shaqaalaha caafimaadka , dadka Waayeelka ah iyo dadka ku sugan goobaha dadka da’da ah lagu xanaaneeyo.

UK waxay dalbatay tallaal ku filan 40 malyuun oo qof waana dalkii labaad ee aduunka ee si buuxda u shaaciya in uu dadwaynihiisa qaadanayaan tallaalka lagaga hortagayo cudurka Covid19, dalka Ruushka ayaa horay u qaaday tallaabadaan oo kale, inkastoo hay’adda Caafimaadka aduunka ee WHO aysan wali xaqiijin waxtarka tallaalka Ruushka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories