HomeWararMadaxweyne Saciid Deni oo adkeeyay hadalkii Ra'iisul Wasaare Rooble

Madaxweyne Saciid Deni oo adkeeyay hadalkii Ra’iisul Wasaare Rooble

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka, oo ay ka qeybgaleen Dowladda Federaalka ah, Dowladdaha xubnaha ka ah iyo Wakiillada Beesha Caalamka iyo Wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadaljeedintiisa kaga hadlay horumarka Puntland gaartay labadii sano u danbeeyay, saameynta Covid-19, Ayaxa iyo duufaanta […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka, oo ay ka qeybgaleen Dowladda Federaalka ah, Dowladdaha xubnaha ka ah iyo Wakiillada Beesha Caalamka iyo Wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadaljeedintiisa kaga hadlay horumarka Puntland gaartay labadii sano u danbeeyay, saameynta Covid-19, Ayaxa iyo duufaanta GATI, xaaladda dalku marayo, gaar ahaan arrimaha doorashada, Kheyraadka iyo dib-u-eegista Dastuurka.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la isugu yimaado Shir deg deg ah, si loo xaliyo tabashooyinka la xiriira Doorashada, wuxuu Madaxweynuhu ku baaqay in Ciidamada laga saaro Garbahaarey, si ay ugu suuragasho Jubaland inay halkaasi doorashada ku qabato.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ku baaqay in Wax laga qabto tabashada ka jirta Guddiga Doorashada ee Somaliland, lagana talagaliyey dhammaan siyaasiyiinta Somaliland oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare.

“Arrinta Shidaalka Soomaaliya, Puntland waxay ku baaqday inaan lagu degdegin illaa sharciyan looga heshiinayo. Puntland waxay soo jeedisay in dib-u-eegista Dastuurka laga wada xaajoodo doorashada kadib, si loogu helo wakhti ku filan oo looga baaraandago” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

- Advertisement -

Kulanka oo ku qabsoomay hab maqal iyo muuqaal ah, waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Mudane Cawil Shiikh Xaamud, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa shirkii Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ka sheegay in Madaxda maamul Goboleedyada dalka ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay shir isugu imaan doonaan, kaasi oo uu tilmaamay inuu ka dhici doono Magaalada Muqdisho.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories