HomeWararMadaxweynaha Galmudug oo Arrimo muhiim ugu baaqay Madaxda

Madaxweynaha Galmudug oo Arrimo muhiim ugu baaqay Madaxda

Date:

Related stories

Cirro iyo Trump: Kulankii Washington Ka Dhici Waayay iyo sababta

Cirro oo booqashadiisii Mareykanka ku soo gabagabeeyay isaga oo aan la kulmin Trump, isla markaana aan helin ballanqaad rasmi ah oo aqoonsi.

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmedv Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo caqabad ku keeni kara heshiiskii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ka gaareen Doorashada dalka. Madaxweyne Qoorqoor ayaa khubad Maanta ka jeediyay shir u socda dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka, kaasi  oo sanadkiiba mar la qabo, isla […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmedv Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo caqabad ku keeni kara heshiiskii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ka gaareen Doorashada dalka.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa khubad Maanta ka jeediyay shir u socda dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka, kaasi  oo sanadkiiba mar la qabo, isla markaana looga hadlayo arrimo kala duwan oo kamid yihiin Doorashada dalka iyo caqabadaha heysta.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Madaxweyaha Galmudug in loo baahan yahay in la fuliyo heshiiskii bishii November 2020 laga doorashada dalka, lagana shaqeyno doorashada taabagelinteeda, habsami u socodkeeda iyo hufnaanteeda intaba.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweyne Qoorqoor ayaa tilmaamay wixii tabasho ee jira heshiiska gudihiisa la isku qanciyo, lana isku tanaasulo, si arrimaha doorashooyinka guul ku dhamaadaan.

“Waxa Galmudug ka go’an in mar labaad door shariif ka qaadato habsami u socodka doorashooyinka iyo hirgelinta, tabashooyinka jira la iska qanciyo, sida caadada aheyd dadaalkaas waa ku jirnaa waana waajibaad na saaran horayna uga soo qeyb qaadanay, waxaa rabaa dhammaan dhinacyada oo dhan in aan iraahdo in laga fogaado wax walba oo heshiiska ama doorashada caqabad ku keeni kara in doorashadan taaba gelinteeda habsami u socodkeeda iyo hufnaanteeda aan ka wada shaqeyno tabashooyinka jira heshiiska gudihiisa la isku qanciyo, la iskuna qaato lana isku tanaasulo si arrimaha doorashooyinka guul ku dhamaadaan” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

- Advertisement -

Si kastaba muran xoogan ayaa xiligaan ka taagan Doorashada dalka Soomaaliya, isla markaana ka dhashay Guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay, waxaana kasoo horjeeystay Guddiyadaas Musharaxiinta Madaxweynaha, xili Puntland iyo Jubbaland aysan weli soo gudbin Liiska xubnaha ku metelaya Guddiyada Doorashooyinka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts